Maxaa ka mid ah Cuntooyinka iyo cabitaannada kaa caawin kara dhimista miisaanka?

Image
Warbixin uu daabacay mareegga “Control Money” ayaa lagu sheegay liiskan.

Muqdisho, Soomaaliya - Dad badan ayaa xiiseynaya inay wax ka dhimaan miisaankooda si ay caafimaad u helaan, kana takhalusaan dufanka xad-dhaafka ah, taaso ka hortagaysa suurtogalnimada in ay qaadaan cudurro badan oo halis ah.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay mareega “Control Money”, waxaa jira cuntooyin iyo cabitaanno oo kaa caawin karaan dhimista miisaanka jirka iyagoo gubaya dufanka caloosha, waxaana ka mid ah:

1. Caano Fadhi (Yogurt): Waxa ku jira karbohaydrayt sarreeya waana cunto fudud oo laga helo tamar. Nafaqada laga helo oo ay ka mid yihiin lactose iyo galactose, waxay isu beddelaan tamar dabiici ah marka la dheefshiido, taas oo dadka ka dhigaysa inay dareemaan dhereg.

2. Mooska: Mooska waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu fiican ee tamar laga helo, sababtoo ah waxaa laga helaa heerar sare oo potassium ah, karbohaydraytyada iyo fitamiin B6. Mooska ayaa sidoo kale ah cunto fudud oo aad ugu fiican in la cuno ka dib Jimicsiga aroortii, maadaama oo kordhiyo tamarta kana ka hortago daalka.

3. Saliida dabiiciga ah: Saliidda qumbaha, saliidda saytuunka, iyo subagga ayaa kaa caawin kara ilaalinta heerarka tamarta, hagaajinta dheecaanka insulin-ka, iyo xitaa dhimista rabitaanka oo qofka u leeyahay cuntada.

4. Cabitaannada Dabiiciga ah: Sidoo kale waxaa tamar laga heli karaa cabitaan-ka qabow ama “smoothie” loo yaqaan oo laga sameeyo miraha, caanaha, ama caano fadhiga iyo sidoo kale casiirka cagaaran oo ay ku jiraan Moos & budada borotiinka.

5. Cabitaanka liinta iyo Tufaaxa: Waxaa sidoo kale Caafimaad iyo Tamar laga helaa Cabitaanka kulul oo ka kooban liin dhanaanta qaniga ku ah fitamiin C, kaas oo kor u qaadi kara difaaca jirka iyo tamarta, iyo tufaaxa burburiya sunta jirka.

6. Shaaha dhirta: Inta badan shaaha waxaa ku jira Caffeine, waxaana jira qaar kale oo aan dabiiciyan Caffeine lahayn. Tusaale waxaad tijaabin kartaa shaaha sinjibiil-ka, kaasoo si weyn kaaga caawin kara dejinta maskaxdaada & kor u qaadista Caafimaadka Jirkaaaga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM