Maxaa ka soo baxay dagaalka Qasa 6-bilood ka dib?

Image
604 askari Israa’iili ah ayaa la dilay tan iyo bilowgii dagaalka 7-dii October.

Qasa (GO) - Ciidamada Israel ayaa soo saaray warbixin ku saabsan dagaalka ka socda Marinka Qasa muddo 6 bilood ah ka dib, taasoo ay ku sheegeen inay dileen 12,000 xubin oo ka mid ah Xamaas, ayna burburiyeen in ka badan 3,600 oo bartilmaameed ah.

Ciidammada Israa’iil ayaa ku xaqiijiyay warbixintan oo ku beegan nus sano tan iyo markii uu dagaalka Qasa ka dillaacay:

In ka badan 12,000 oo Xubin Xamaas a tirsan ayaa lagu dilay marinka Qasa.
In ka badan 32 kun oo bartilmaameed ayaa hawada laga duqeeyey.

9,100 gantaal ayaa lagu riday Israa’iil, oo ay ku jiraan 3,100 gantaal oo laga soo riday Lubnaan iyo 35 gantaal oo laga soo riday Suuriya.

604 askari Israa’iili ah ayaa la dilay tan iyo bilowgii dagaalka 7-dii October.

3,193 askari ayaa laga dhaawacay tan iyo bilowgii dagaalka, oo ay ku jiraan 497 dhaawacyo halis ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM