Maxaa kusoo kordhay weerarka lagu qaadey dalka Imaaraadka?

Image

Qaraxyo ka dhashay diyaarado drone ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayada oo Xuutiyiinta dalka Yemen ay ku dhowaaqeen “howlgallo militari” oo ay ka fuliyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

“Walxyo yar oo duula” ayaa la helay ayada oo saddex booyado shidaalka qaada ah ay ku qarxeen aag warshado, sidoo kalena dab uu ka kacay garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen booliska.

Saddex qof ayaa ku geeriyootay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada, sida ay sheegeen booliska. Dadka dhintay ayaa laba qof waxay u dhasheen dalka India, halka qof kalena uu kasoo jeedo Pakistan.

“Baaritaano horudhac ah ayaa tilmaamaya in walxaha yar ee la arkay ay ka yimaadeen diyaarado drone ah, kuwaas oo ku kala dhacay laba goob ayna suurta-gal tahay inay sababeen qarax iyo dab,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay booliska.

Dhinaca kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay faah-faahin ka bixin doonaan howlgal militari oo ay sheegeen inay ka fuliyeen Imaaraadka Carabta, taasi oo ka dhiggan inuu kasii daray dagaalka toddobada sano ka socda Yemen.

“Ciidamada xoogga waxay ku dhowaaqeen inay saacadaha soo socda faah-faahin doonaan howlgallo ka dhacay Imaaraadka,” waxaa sidaas barta twitter-ka kusoo qoray afhayeenka militariga Xuutiyiinta Yahya Saree.

Imaaraadka Carabta ayaa aad u yareeyey joogitaankooda militari ee dalka Yemen 2019-kii, xilli la isku mari waayey dagaalka ayna sare u kacday xiisadda gobolka iyo Iran, hase yeeshee waxay saameyn ku leeyihiin ciidamada hubeysan ee Yemen oo ay tababareen.

AFP

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM