Maxaa sababay in Joe Biden ku dhawaaqo kalmada "Insha Allah"?

Image

LONDON, UK - Waxaa baraha bulshada si weyn looga hadal hayaa erey kasoo baxay musharraxa madaxtinnimada doorashada ee xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden xilli uu ka qeybgalayay dood kulul oo u dhexeysay isaga iyo ninka uu loolanka adag ka dhex taagan yihiin ee madaxweyne Donald Trump.

Joe Biden ayaa yiri 'Inshaa Allah' kaddib markii Trump uu ku yiri , 'Waxaad arki doontaa qaabka aan canshuurta u celiyay'

Markii Trump oo wax laga weydiyay arrimaha canshur celinta wuxuu ku andacooday in canshuurta uu bixiyay ay malaayiin gaareyso sanadihii lasoo dhaafay.

Dhawaan ayay aheyd markii wargeyska New York Times uu sheegay in madaxwayne Donald Trump uu bixiyay oo kaliya ah $750 oo ah canshuurta dakhliga sanaddii 2016-kii, oo ahaa markii uu xilka u tartamay iyo sanadkii ugu horeeyay ee aqalka cad uu yimid.

Wargeyska oo sheegay in ay heleen macluumaadka iyo diiwaanka canshuurihii uu bixiyay Mr Trump iyo shirkadihiisa 20 sano ee ugu dambeeyay ayaa waxaa ku andacooday in canshuurta dakhliga uusan bixin 10 sano oo ka mid ah shan iyo tobonkaasi sano.

Macluumadkan uu daabacay wargeyska New York Times ayaa shaaca ka qaadaya in "muddo sanado ah uu madaxwayanha ka maaganayay bixinta canshuurta",.

Mr Trump ayaa warbixinta uu qoray wargeyska ku tilmaamay "warar been abuur ah".

"xaqiiqadii waan bixiyay canshuurta waadna arki doontaan marka aan canshuur celinta sameeyo," ayuu u sheegay warbaahinta.

BBC

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM