Maxaabiista ay Xamaas haystaan oo soo Hadlay.

Image

GAROWE, Soomaaliya - Xubno kamid ah maxaabiista Israel u dhashay ay Xamaas ay gacanta ku hayaan ayaa kasoo dhex hadlay godadka lagu hayo.

Muuqaal ay baahiyeen garabka hubeysan ee Xamaas ee loo yaqaan Al-Qasaam ayaa ay kasoo muuqdeen sadex haween ah.

Dhar iska caadi ah ayay wateen mana loo xirin wax madaxa u daboola taasi oo lagu tilmaamay fariin ay Xamaas dirayaan.

Mid kamid ah oo ku hadlaysa luuqada Hebrew-ga ee Israel looga hadlo ayaa Lahjad adag fariin ugu dirtay ra'iisul wasaaraha Israel ee Benjamin Netanyahu.

"Waan ognahay in la rabay xabad joojin laakiin adigu aad diiday. Waxaad doonaysa in aad na disho" ayay tiri.

Iyada oo sii hadlaysa ayay ku cel-celisay codsiga ah in deg-deg loo sii daayo.

"Waxay doonayaan in ay nagu badashaan dhamaan maxaabiista Falastiiniyiinta ah oo la soo daayo fadlan usoo daaya anagana deg-deg noogu celiya dalkeena. Fadlan deg-deg noo soo daa".

Xamaas ayaa horey u sheegtay in Maxaabiista ay guud ahaan kooxaha iska caabinta Falastiiniyiintu qabsadeen 07 Oct ay gaarayaan 250 isla markaana haatan ilaa 50 kamid ah ay ku geeriyoodeen duqeymaha Israel ay Gaza ka wado.

Yaxya Al-Sinwaar hogaamiyaha Xamaas Gaza ayaa ka dhawaajiyay in ay maxaabiista ay hayaan oo kaliya ay ku badalanayaan hadii lasoo daynayo dhamaan Maxaabiistooda ku xiran xabsiyada Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo sheegtay inay sii wadeyso Dagaalka "Illaa Guusha Laga Gaarayo" iyo Pakistan oo Dadaal Nabadeed Bilowday

Hadalka Sharif ayaa ku soo beegmay xilli weerarro culus ay ka dhacayaan gobolka, iyadoo qiiq laga arkay bartamaha Tel Aviv.

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 02:34PM

Trump: Wadahadal Iiraan lala bilaabay — maxaa dhab ah?

In ka badan 2,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalkan, badankoodna waxay….

  • Caalamka

    23-03-2026

  • 06:58PM