Maxamed Bin Salmaan: Haddii ay Iiraan hesho hub Nukliyeer ah anagana waa heli doonnaa

Image

RIYADH, Sacuudiga - Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Fox News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ku sheegay in dalkiisa uu heli doono hubka Nukliyeerka ah haddii ay Iiraan sameysato.

Markii la weydiiyay waxa dhici kara haddii Iiraan ay dhab ahaantii hesho bam Nukliyeer ah, Amiir Maxamed bin Salmaan wuxuu yiri, "Haddii ay helaan mid, waa inaan sidoo kale helnaa sababo amni dartood iyo dheelitirnaanta awoodda Bariga Dhexe."

Waxa uu intaa ku daray, "Haysashada hubka nukliyeerka waa wax aan faa'iido lahayn, haddii aad isticmaasho, waxaad u baahan doontaa inaad dagaal weyn la gasho adduunka intiisa kale," isagoo sheegay in dunidu aysan u dulqaadan karin waxa uu ku tilmaamay “Hiroshima cusub”

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in xiriirka Iiraan uu meel wanaagsan marayo, isagoo rajo ka muujiyay inay sii wadi doonaan ka wada shaqeynta danaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM