Maxay dadka ugu maadeysanayaa sawirka madaxwaynaha Burundi?

Image

GITEGA, Burundi - Dadka is-ticmaala baraha bulshada ayaa aad ugu diganaya madaxwaynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza.

Tani ayaa timid markii loo xiray saddex gabdhood in ay "si qaldan u adeegsadeen sawirka Nkurunziza."

Gabdhaha ayaa sawirka madaxwaynaha u soo qaatay tusaale ahaan iyaga oo ku dul-xardhay astaamaha dumarka.

Sawiradaasi ayaa qabsaday baraha bulshada, iyadda oo dadka ka fal-celinaya ay soo qorayaa #SiidaayaGabdhaheena.

Gabdhaha oo dacwad lagu soo oogay todobaadkii hore ayaa lagu eedeeyay in ay aflagaadeeyeen madaxwaynaha.

Maxkamad ayaa ku xukuntay shan sano oo xabsi ah, inkasta oo xukunkaasi ay cambaareeyeen dadka u dooda xuquuqda aadanaha.

Reer Galbeedka ayaa si joogta ah mas'uuliyiinta Burundi ugu eedeeya howlgalo ka dhan ah xuquuqul insaanka.

Gabdha ayaa da’dooda kala ah 15, 16 iyo 17-sano jir xili arday kale oo xabsiga lala dhigay lasii daayay goor dambe oo isbuucii lasoo dhaafay ah.

Mid kamid ah Aabaha dhalay gabdhaha ayaa u sheegay Human Rights Watch in lagu cabsi geliyay in ay iska aamusaan.

HRW ayaa ku tartarsiisay dowladda in ay sii dayso gabdhahaasi, isla markaana ay joojiso xadgudubyadda ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii kiis noocaan ah loo xiray gabdho iskuul dhigta, kuwa kale loo musaafuriyay markii ay metalaan wajiga madaxwaynaha Burundi ee Pierre Nkurunziza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM