Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Image

Dimishiq, Suuriya – Dowladda Israel ayaa duqeymo culus ka fulisay magaalada caasimadda ah ee Dimishiq, iyadoo bartilmaameedsatey xarumo dowladeed iyo xaafado rayid ah, tallaabadan oo ah mid ka mid ah weerarada ugu xooggan ee Israel ka geysatay gudaha Suuriya sanadihii u dambeeyay.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka Suweyda oo ay deggan yihiin beesha laga tirada badan yahay ee Druze, halkaas oo dagaallo sokeeye oo qowmiyadeed ay ka dhex qarxeen beelaha Druze iyo qabaa’ilka Bedouin. Sida laga soo xigtay ilo maxalli ah iyo warbaahinta caalamiga ah, ciidamada Suuriya ayaa la sheegay inay si toos ah u beegsadeen maleeshiyaad Druze ah iyo shacabka deegaanka, taasoo keentay khasaare baaxad leh.

Duqeymaha ayaa gaaray ilaa xarumo muhiim ah oo ku yaal Dimishiq, oo ay ka mid yihiin wasaaradda difaaca iyo meel u dhow madaxtooyada. Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeymahaasi ay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiimad siyaasadeed iyo ciidan u leh dowlada Suuriya.

Israel waxay sidoo kale sheegtay inay doonayso in ay rabto iney maamusho xuduud dhuleedka u dhexeya dhulkeeda iyo Suuriya, iyadoo diidan in ciidamada dowladda Suuriya ama kooxaha xiriirka la leh Iran ay ku xoogeystaan gobolkaas.

Magaalada Dimishiq oo leh taariikh ka badan 11,000 sano, ayaa markale wajahaysa xaalad amni-darro iyo burbur, iyada oo shacabka rayidka ah ay ugu nugul yihiin dhibaatada ka dhalata weerarada noocan ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM