Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?
Sida ay werisay Al Jazeera, Imaaraatka Carabta ayaa ka baxay ururka ay ku mideysan yihiin waddamada soo saara shidaalka. Ururkan wuxuu maamulaa xaddiga soo saarista shidaalka, waqtiga, iyo qiimaha lagu iibiyo suuqyada caalamka.
Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq, halka xaruntiisuna ay ku taallo magaalada Vienna ee dalka Austria. Dalalkii lagu aas-aasay waxaa ka mid ahaa Iran, Iraq, Saudi Arabia, Kuwait iyo Venezuela. Maanta tirada xubnaha ururka way ka badan tahay intaas.
Ujeeddada ugu weyn ee ururkan waa in dalalka xubnaha ka ah ay awood u helaan maamulidda khayraadkooda shidaal, isla markaana ay saameyn ku yeeshaan qiimaha saliidda adduunka.
Haddaba, ka bixitaanka Imaaraatka Carabta ee OPEC waxaa loo arkaa in ay siinayso xorriyad dheeraad ah oo ku saabsan go’aaminta inta shidaal ah ee ay soo saari karto maalin kasta, iyada oo aan lagu xaddidin heshiisyada ururka.
Dowladda Imaaraatka Carabta waxay maalintii soo saartaa qiyaastii 4.5 milyan oo foosto oo saliid ah, waxaana la saadaalinayaa inay kordhin karto wax-soo-saarkeeda mustaqbalka.
Sababaha la xiriira go’aankan waxaa ka mid ah doonista ah in la kordhiyo dhaqaalaha dalka, inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale iyo kuwo amni oo saameyn ku yeeshay gobolka.
Ururka OPEC waxaa hore uga baxay dalal dhowr ah, sida Qatar (2019), Indonesia (2009, dib ugu soo laabatay 2016, haddana mar kale ka baxday), Gabon (1995, dib ugu soo laabatay 2016), iyo Ecuador (1992, dib ugu soo laabatay 2007, mar kale ka baxday 2020). Sidoo kale, Angola ayaa ka baxday 2023.
GAROWE ONLINE