Maxay Maxaabiista Xamaas ka yiraahdeen sida loola dhaqmo?

Image

QASA - Haweeney da’ ah oo Israa’iili ah oo ay Xamaas sii daayeen xalay ayaa sheegtay in Ururka ay u fidiyeen daryeel, ilaalin iyo dhakhtar daaweeya, ayna siiyeen daawadii ay ka qaadanaysay Israa’iil.

Yocheved Lifshitz, oo 85 jir ah, ayaa ka mid ahayd laba dumar ah oo ay Xamaas sii daysay gelinkii dambe ee shalay, taasoo tirada dadka weli u xiran ururka ka dhigaysa 220 qof.

Lifshitz ayaa u sheegtay suxufiyiinta iyadoo fadhida bannaanka isbitaalka Tel Aviv halkaas oo la geeyay ka dib markii la sii daayay. "Weligay kuma fikirin inaan dhibaatadan la kulmi doono.”

Haweeneyda da’da ah oo u muuqatay mid itaal daran, ayaa sheegtay in la saaray mooto, lagana soo kaxeeyay gurigeeda ilaa markii dambe la geeyay marinka Qasa.

Waxa ay sheegtay in dhakhtar uu soo booqday oo u xaqiijiyay in iyada iyo inta kale ee maxaabiista ah ay heli doonaan dawo la mid ah kuwii ay Israa’iil ka qaadanayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM