Maxay tahay Maalinta Musiibadda oo ay xusaan Falastiiniyiinta?

Image

ANKARA, Turkey – Inkastoo isu imaatinada uu baajiyey Covid-19, Falastiiyiinta ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 15-kii May u dabaaldegay 72-sano guuradii kasoo wareegatay Maalintii Nakba ama Maalinta "Musiibadda".

Xuskan oo sanad walba la qabto ayaa ku beegan markii maamulka Yahuuda ay dowlad madax-banaan kaga dhex-dhawaaqeen dhulka xoogga lagu haysto ee Falastiin 15-kii May sanadka markii uu ahaa 1948.

Intii u dhaxeysay 1947 iyo 1949, Yahuuda ayaa barakicisay ku dhowaad 750,000 oo kamid ah 1.9 milyan ee Falastiiyiinta kuwaas oo soo-galooti ku noqday dalalka deriska sidda Jordan iyo gudaha Yahuuda.

Qaar kale oo badan waxay wali ku nool Daanta Galbeed, halkaas oo dhibaatooyin kala duwan ay ku wajahayaan sidda dil iyo caburin.

Sidoo kale, waxay ku asteysan tahay markii bulshadda dhinaca Israel u jaranjeerta balse la nool Falastiiniyiinta ee Yishuv loo wareejiyey dhanka Yahuuda kadib markii isticmaarkii Ingiriiska uu musaafuriyey.

Britain ayaa ku duushay isla markaana si buuxda gacanta ugu dhigtay dhulka Falastiin intii uu socday dagaalkii koowaad ee aduunka.

Falastiiniyiinta, maalintii Nakba kaliya uma arkaan dhacdo taariikheed, balse waxay u haystaan nidaam socda oo kasoo bilowday 1880-kii xilligaas oo Yurub gedaal ka riixaysay in Yahuuda lagu beero dhulka Falastiin.

Mashruucaas oo muuqata in uu fulay kadib markii laga awood-roonaadey ciidamadii dalalka Carabta ayay aaminsan yihiin in ujeedkiisu ahaa in la burburiyo riyadooda dowladooda Mustaqbalka.

Intaas wixii ka dambeysay degaameynta sharci darada ah ee Yahuuda iyo barakaca Falastiiyiinta ayaanan marnaba joogsan.

Daanta Galbeed oo si maalinle ah looga soo wariyo xadgudubyadda ay ciidamadda Yahuuda ugu geysanayaan Muslimiinta Falastiin ayaa la qabsaday June, 1967-dii xilli ay maamulayeen milatariga Masar.

Sidda uu sheegay xafiiska tirakoobka Falastiiyiinta, ku dhowaad shan milyan ayaa ku nool Daanta Galbeed iyo dhulka la haysto ee Gaza, 1.5 milyan waxay ku nool yihiin Israel, halka Lix milyna kalena ay yihiin Qurba-joog.

Sikastaba, Falastiiyiinta ayaa rumeysan in mashruuca wadamada reer Galbeedka ay Yahuuda ugu degaameynayaan dhulkooda uusan wali dhamaan, inkastoo ay ku adkeysteen in aysan ka rajo dhigi doonin in ay difaacdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM