Maxay wasiirada arrimaha dibada Khaliijka ugu safreen Shiinaha?

Image
Booqashada ayaa ku soo beegantay iyadoo ay qalalaase ka jiraan dalka ay jaarka yihiin ee Kazakhstan.

BEIJING, China – Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Saudi Arabia, Kuwait, Oman iyo Bahrain oo uu weheliyo xoghayaha guud ee golaha iskaashiga Khaliijka Nayef bin Falah al-Hajrah ayaa booqasho shan maalmood ah ku tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.

Booqashada, oo bilaabatay Isniintii maanta ah, ayaa daba socota dhaq-dhaqaaq diblomaasiyadeed oo uu sameeyay wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi, oo ay ku jiraan booqasho uu ku tagay Afrika iyo sidoo kale booqashooyin uu ku tagay Maldives iyo Sri Lanka.

Saraakiishan ayaa la filayaa in ay Beijing kala hadlaan xoojinta xiriirka tamarta.

Sanadihii u dambeeyay, Shiinuhu wuxuu isku dayay inuu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka Khaliijka, iyadoo Madaxweyne Xi Jinping 2014 uu balanqaaday inuu laba jibaaro ganacsiga gobolka marka la gaaro 2023.

Wargeyska ay dowladdu leedahay ee Global Times ayaa sheegay in booqashadu sidoo kale laga yaabo inay "horumar ka sameyso" wadahadallada ku saabsan heshiiska ganacsiga xorta ah ee Shiinaha iyo GCC.

Heshiiska suurtagalka ah ayaa markii ugu horreysay la soo bandhigay 2004-tii, iyadoo labada dhinac ay ka wadahadleen bishii Maarso ee sannadkii hore suurtagalnimada in dib loo bilaabo wadahadallada.

Booqashada ayaa ku soo beegantay iyadoo ay qalalaase ka jiraan dalka ay jaarka yihiin ee Kazakhstan oo walaac ka muujiyay ammaanka tamarta Shiinaha. Beijing waxay muddo dheer maal-galisay saliid iyo gaaska qani ku ah warshadaha tamarta Kazakhstan.

Xi wuxuu ammaanay tallaabada dilaaga ah ee dowladda Kazakhstan ee ka dhanka ah dibadbaxayaasha isagoo ku tilmaamay "mas'uul sare" farriin uu u diray hoggaamiye Kassym-Jomart Tokayev usbuucii hore.

Waxa uu intaa ku daray in Beijing ay diyaar u tahay "in ay bixiso taageero" haddii loo baahdo, warbaahinta dowladda ayaa werisay.

Xi wuxuu ammaanay tallaabada dilaaga ah ee dowladda Kazakhstan ee ka dhanka ah dibadbaxayaasha isagoo ku tilmaamay "mas'uul sare" farriin uu u diray hoggaamiye Kassym-Jomart Tokayev usbuucii hore.

Waxa uu intaa ku daray in Beijing ay diyaar u tahay "in ay bixiso taageero" haddii loo baahdo, warbaahinta dowladda ayaa werisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM