Maxbuuskii ugu waqtiga dheeraa reer Falastiin oo lasii daayay

Image
66 jirkan ayaa xusay in markii la siidaayay lasii mariyay saldhigyo kala duwan oo booliis.

DOOXA, Qadar - Kariim Yuunis oo muddo 40 sano ka badan ku jirey xabsiyada maamulka Israa’iil ayaa Khamiista maanta ah ugu dambeyn ifka arkay kadib markii xabsiga laga sii daayay.

Saraakiisha Yahuuda oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in Kariim oo 66 jir ah laa sii daayay xabsiga Xadariim oo ku yaala duleedka magaala Tel Aviv (Talcafiif).

Ninkan Falastiiniga ah ayaa xabsiga la dhigay sanadka markii uu ahaa  1983-dii kadib markii lagu eedeeyay in uu Buuraha Golan ku dilay askari Israa’iili ah.

Markii uu ku laabtay tuulada Ara oo ay Israa'iil maamusho, dadweyne aad u fara badan oo faraxsan ayaa soo dhoweeyay Kariim, iyaga oo sheegay in soo deyntiisa ay bilow fiican tahay.

66 jirkan ayaa xusay in markii la siidaayay lasii mariyay saldhigyo kala duwan oo booliis, kadibna waxaa la dhigay boosteejo basaska, waxaana in uu qoyskiisa la xiriiro la caawiyay qof meesha taagnaa.

Kariim ayaa ahaa shaqsi si weyn caan uga dhex ah dhaqdhaqaaqa xornimada reer Falastiin, iyada oo loo arkay hoggaamiye soo baxaya oo mustaqbal wanaagsan leh.

Balse maadaamaa Israa’iil u aragto muwaadhin Israa’iili ah ayaa waxa ay u aragtay in ay tahay arrin kamid arrimaha gudaha Israa’iil iyo in ay is-hortaagto ololhiisa.

Militariga maamulka Israa’iil ayaa qoyska Kariim waxay ku wargeliyeen in aysan xusin soo sii dayntiina, balse qoyska iyo dadka tuuladaba dhegaha ayay ka fureysteen.

Markii la siidaayay kadib, Kariim oo ay wehliyaan xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa waxa uu booqday qabriga hooyadiisa oo geeriyootay intii uu ku jirey xabsiga, isaga oo alle uga rajeeyay naxariis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM