Maxkamad ku taal Masar oo dil toogasho ku xukuntay hogaamiyaha Ururka “Ikhwaanul Muslimiin”

Image
Hoggaamiyeyaasha Ururka ayaa lagu eedeeyay inay abaabuleen falal rabshado ah 11 sano ka hor.

Qaahira (GO) - Maxkamad ku taal Masar ayaa Isniintii dil toogasho ku xukuntay hoggaamiyaha Ikhwaanul Muslimiin Maxamed Badiic iyo toddobo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Ururka, oo lagu helay inay abaabuleen falal rabshado ah qiyaastii 11 sano ka hor.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa Luulyo 2013-kii soo abaabulay dibadbax ay isugu yimaadeen fagaaraha Raabaca Al-Cdawiya ee magaalada Qaahira si ay uga mudaaharaadaan afgambigii ay ciidamadu kula wareegeen xukunka Masar.

Bishii Agoosto ee isla sanadkaas ayay ciidamada ammaanku xoog ku kala eryeen Dibadbaxaas, taasoo keentay in la laayo in ka badan kun qof oo ay ku jiraan kaadiriin iyo taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiin.

Maamulka ayaa intaa ka dib bilaabay howlgalo ka dhan ah Ururkaasi, waxaana la xiray kumanaan ka tirsan loona gudbiyay maxkamad, kuwaasi oo intooda badan lagu xukumay xabsi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Caalamka oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Mareykanka iyo Iran

Midowga Yurub ayaa ku tilmaantay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadda, halka dalal ay ka mid yihiin India.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 10:53AM

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM