Maxkamad ku taala UK oo 14-sano oo xarig ku riday wiil Soomaali ah

Image

LONDON, UK – Maxkamad ku taala magaaladda Croydon ee waddanka Ingiriiska ayaa maanta oo Khamiis ah waxay 14-sano oo xarig ah ay ku ridday wiil Soomaali ah oo magaciisa lagu tilmaamay Yuusuf Cali.

Cali ayaa lagu eedeeyay in uu haweenay 18-sano jir ahayd kasoo tuuray balakoonka dabaqa afaraad ee dhisme ku yaala caasimadda boqortooyadda UK ee London, bishii August.

Sidda laga soo xigtay majaladda The Independent, dhacdadaas ayaa ka dambeysay markii haweenayda ay ku gacan-sayrtay dalab kaga yimid Cali kaasoo ahaa in ay gogol-dhaaf sameeyaan.

Haweenayda ayaa ka jabtay dhabarka iyo qoorta, sidda ku xusan warbixinta, oo tibaaxday in labadooda aysan is-aqoon.

Xukunsanaha ayaa la xusay in uu gacan ka hadal bilaabay markii haweenayda ka diidey codsigiisa. Isla goobta wuxuu ku dhaawacay laba qof. Booliska ayaa qabtay isagoo isku dayey in uu baxsado.

Markii maxkamad lasoo taago, wuu beeniyey eedeymaha loo jeediyey. Markii la tusay muuqaal laga duubay, wuxuu qirtay dambiga. Balse, waxaa lagu waayey in uu damacsanaa in uu dil geysto.

Xeer-beegtada ayaa sheegtay in tobano sano oo kamid ah xukunka lagu ridday loo cuskaday dhibaatada uu ku kacay. Inta kale, waxaa lagu saleeyay burcadnimo iyo shati uusan u haysan gaarigiisa.

Sikastaba, dalka Ingiriiska ayaa kamid ah wadamada reer Galbeedka ee ay ku nool yihiin jaaliyadaha ugu badan ee Soomaalida. Dhalinyaradda waxay inta badan ku lug-yeeshaan xaalada fool xun oo noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM