UK: Maxkamad xabsi daa'in ku xukuntay sarkaal boolis

Image
Wayne Couzens, oo 48 jir ah, ayaa qirtey dambiga lagu soo oogay oo ah afduubka, kufsiga iyo dilka haweenay.

LONDON, Britain - Maxkamad ku taalla waddanka Britain ayaa maanta xabsi daa'in oo aan lahayn sii-dayn sharafeed waxay garka u gelisay sarkaal booliis kaasoo afduub, kufsi iyo dil u geystay Sarah Everard.

Wayne Couzens, oo 48 jir ah, ayaa qafaashay Everard 3-dii bishii Maarso xilli ay kasoo laabatay guriga saaxiibkeed oo ku yaal koonfurta London. Wuxuu qirtay dambiga dilka, kufsiga iyo afduubka.

Meydka haweenaydan ayaa la helay asbuuc kadib markii lagu waayay meel kayn ah oo ku taal gobolka Kent, in ka badan 50 mayl koonfur -bari magaala madaxda Ingiriiska ee London.

Xukunka waxaa Khamiista maanta ah ku ridday Maxkamadda Dambiyada Dhexe ee London. Xeerbeegtada waxay sheegtay in Couzens uusan waligiis xaq u yeelan doonin in uu banaanka dib u yimaado.

Couzens ayaa ku biiray bilayska London sannadkii 2018 -kii waxaana ugu dambeeyay uu ka shaqeeyay unug hubaysan oo mas'uul ka ah ilaalinta safaaradaha caasimadda iyo Baarlamaanka.

Safaaradda Mareykanka ayuu kasoo shaqeeyaymaalintii uu afduubtay Everard. Qoyska haweenayda waxay ku qeexeen "nin aan naxariis lahayn oo dilay gabadheena aan jeclayn".

Tan iyo markii la dilay Everard, 80 haween ah ayaa lagu dilay duruufo uu ninku saaran yahay tuhunka ugu weyn, sida laga soo xigtay Counting Dead Women, oo ah koox dabagal ku samaysa gudaha U.K.

Everard oo 33-jir ku geeriyootay ayaa ahayd madaxa shirkad ka shaqeysa arrimaha xayeysiiska. Beegsigeeda wuxuu horseeday banaanbaxyo lagu cambaareynayo xadgudubyada ka dhanka ah dumarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM