Maxkamad lasoo taagay Soomaaliga dilay mudanaha UK

Image
Cali Xarbi Cali, oo 25 jir ah, ayaa qaab fogaan arag ah kaga soo muuqdey maxkamadda Old Bailey ee London.

LONDON, Britain - Soomaaliga lagu eedeeyay inuu tooreey ku dilay xildhibaan British ah David Amess kaniisad uu kula kulmayay codbixiyeyaasha todobaadkii hore ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago sanadka soo socda, maxkamadda Old Bailey ee London ayaa sidaas dhegeysatay Jimcihii.

Cali Xarbi Cali, oo 25 jir ah, oo uu dhalay la-taliyihii hore ee warbaahinta ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyay in uu Amess toddobaad ka hor dhowr jeer ku mindiyeeyay hool kaniisad oo uu kula kulmayay codbixiyeyaasha deegaankiisa.

Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale ku andacoonaya in Cali, oo ay sheegeen in ay dhiirrigelisay Dawladda Islaamka, uu qorsheeyay in uu weeraro xildhibaan ka tirsan baarlamaanka in ka badan laba sano ka hor dilkii Jimcihii la soo dhaafay.

Cali wuxuu maxkamadeyntiisa kaga soo muuqdey maqal iyo muuqaal isaga oo ku sugan Xabsiga Belmarsh oo ah mid ammaankiisa aad loo ilaaliyo kuna yaal magaaladda London wuxuu si cod dheer ah u caddeeyay magaciisa iyo da'diisa.

Eedeysanaha, oo lagu soo oogay dacwad dil iyo inuu diyaariyey falal argagixiso intii u dhexeysay May 2019 -kii ilaa 28 -kii September ee sannadkan, ayaa mar kale kasoo muuqan doona maxkamadda Old Bailey 5 -ta bisha Nofeembar.

Khamiistii, maxkamad kale ayay xeer-ilaaliyeyaashu u sheegeen inuu sahan ku sameeyay laba xildhibaan oo kale ka hor weerarkii uu ku khaarijiyey Amess.

Dilka Amess oo ahaa 69-jir aabe u ahaa shan carruur ah, ayaa kusoo beegmay shan sano kadib markii xubin kale oo ka tirsan baarlamaanka Britain lagu dilay waddada taasoo dhalisay baaqyo ku aaddan ilaalinta xildhibaannada.

Xubin ka tirsan Xisbiga Conservative-ka ee Ra'iisul wasaare Boris Johnson, waxaa lagu weeraray kaniisadda Belfairs Methodist ee Leigh-on-Sea, waqooyi-bari London wuxuuna ku dhintay halkaas in kasta oo ay dadaallada dhakhaatiirta gurmadka uu degdeg ahaa.

Sharci-dajiyayaasha Ingiriiska ayaa si joogto ah ula kulma degaankooda ama kulamo fool ka fool ah la yeeshaan cod-bixiyayaasha deegaannadooda, dhaqankaas oo loo tixgeliyo saldhigga dimuqraadiyadda.

Arbacadii, wasiirka arrimaha gudaha Priti Patel ayaa sheegtay in heerka hanjabaadda argagixisada ee xildhibaannada hadda loo arkay mid aad u weyn, taasoo la micno ah in weerar loo malaynayo inuu dhici karo. Hase ahaatee, ma aysan caddeynin talaabada xigta ee ay qaadi doonto boqortooyadda Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM