Maxkamad sii deysay nin 27-sano xabsi ugu jiray dambi uusan gelin

Image
Image
Image

BEIJING, China – Nin ku sugan koonfurta dalka Shiinaha ayaa xorriyadiisa dib loogu celiyey markii lagu waayey dil loo haystay, wallow uu xabsi ku qaatay 27-sano, sidda ay ku warantay warbaahinta gudaha.

Zhang Yuhuan ayaa wuxuu adkeystay in ay jirdileen ciidamadda kuna qasbeen in uu qirto dilka laba wiil oo dhacay sanadkii 1993-dii.

Inta la og-yahay, Yuhuan ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee muddo intaas la eg xabsi ugu jiray si qalad ah. Jeelka uu ku jiray wuxuu ku yaalaa gobolka Jiangxi, halkaas oo 9,778 maalmood uu ku xirnaa.

Dacwad-oogeyaasha oo dib u furay kiiska ayaa tilmaamay in qiraalkiisa uu ku yimid xaalad hubanti la'aan ah, iyagoo waxba kama jiraan ku sifeeyay dhamaan dacwadihii kolkii hore lagu soo oogay.

Maxkamadda Sarre ee China oo go'aanka ugu dambeeya kasoo saartey galkiisa ayaa ku dhawaaqdey in aysan jirin caddeymo ku filan.

Falanqeeyeyaasha dusha sarre kala socda China ayaa sheegaya in ay isa soo tarayaa xukunadda sidda qaldan loogu shaqsiyaadka dambiga lagu eedeeyo, balse la iska indha-tiro kuwa fashilka siyaasada.

Markii Talaadadii lasii daayey, muuqaal aad loogu baahiyey baraha bulshadda ayaa muujinaya Mr Zhang oo si dareen leh dib ula midoobaya qoyskiisa, gaar ahaan hooyadiisa 83-sano jirta ah iyo xaaskiisii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM