Maxkamad soo saartey go'aan dharbaaxo ku ah xulafada Trump

Image

WASHINGTON, USA - Rudy Giuliani ayaa ruqsadiisii ​​sharciga uu kaga howlgalayey magaalada New York laga joojiyay kadib markii uu si cad u sheegay "been abuur iyo marin habaabin" ku saabsan doorashooyinkii Mareykanka ka dhacay sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-ka.

Giuliani, oo 77 jir ah, ayaa wuxuu soo noqdey duqa magaalada New York iyo qareenka shaqsiga ah ee madaxweynihii hore ee Mareykanka, maqaal-qabeenka, Donald Trump.

Mr Trump wuxuu diiday inuu qirto in looga adkaaday doorashadii bishii Nofeembar ee uu kusoo baxay Joe Biden. Mr Giuliani wuxuu aaday maxkamada si uu u laalo natiijada isagoo ku andacoonaya in wax la is-daba-mariyey.

Khamiistii shalay ahayd, madaxweynihii hore Donald Trump ayaa wuxuu difaacay Giuliani, isaga oo ku sifeeyay inuu yahay "shaqsi ay ku weyn tahay waddaniyadda Ameerkaanimadda".

Saacado kadib markii maxkamada racfaanka ee New York ay xukuntay Mr Giuliani inuu been ka sheegay musuqmaasuqa doorashada shacabka iyo hadalada sharciga ah, Mr Trump ayaa markale ku celiyay sheegashooyinkaas isagoo aan bixin cadeyn cusub.

Go'aanka, oo ay gaareen guddi ka kooban shan garsoore, waa mid ku meel gaar ah - iyadoo laga sugayo in ay soo saaraan natiijada dhageysiga kama dambeysta ah.

Kadib guuldarada, Trump iyo xulafadiisu waxay gudbiyeen tobanaan dacwado ah kuna saabsan wax isdaba marin lagu sameeyay cod-bixiyeyaasha doorashada sanadkii hore. Marka laga reebo midkood, dhamaan waxaa diidey maxkamaddaha qaarna waxaa ka laabtey xeer-ilaalinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM