Maxkamad soo saartey go'aan dharbaaxo ku ah xulafada Trump

Image

WASHINGTON, USA - Rudy Giuliani ayaa ruqsadiisii ​​sharciga uu kaga howlgalayey magaalada New York laga joojiyay kadib markii uu si cad u sheegay "been abuur iyo marin habaabin" ku saabsan doorashooyinkii Mareykanka ka dhacay sanadkii lasoo dhaafay ee 2020-ka.

Giuliani, oo 77 jir ah, ayaa wuxuu soo noqdey duqa magaalada New York iyo qareenka shaqsiga ah ee madaxweynihii hore ee Mareykanka, maqaal-qabeenka, Donald Trump.

Mr Trump wuxuu diiday inuu qirto in looga adkaaday doorashadii bishii Nofeembar ee uu kusoo baxay Joe Biden. Mr Giuliani wuxuu aaday maxkamada si uu u laalo natiijada isagoo ku andacoonaya in wax la is-daba-mariyey.

Khamiistii shalay ahayd, madaxweynihii hore Donald Trump ayaa wuxuu difaacay Giuliani, isaga oo ku sifeeyay inuu yahay "shaqsi ay ku weyn tahay waddaniyadda Ameerkaanimadda".

Saacado kadib markii maxkamada racfaanka ee New York ay xukuntay Mr Giuliani inuu been ka sheegay musuqmaasuqa doorashada shacabka iyo hadalada sharciga ah, Mr Trump ayaa markale ku celiyay sheegashooyinkaas isagoo aan bixin cadeyn cusub.

Go'aanka, oo ay gaareen guddi ka kooban shan garsoore, waa mid ku meel gaar ah - iyadoo laga sugayo in ay soo saaraan natiijada dhageysiga kama dambeysta ah.

Kadib guuldarada, Trump iyo xulafadiisu waxay gudbiyeen tobanaan dacwado ah kuna saabsan wax isdaba marin lagu sameeyay cod-bixiyeyaasha doorashada sanadkii hore. Marka laga reebo midkood, dhamaan waxaa diidey maxkamaddaha qaarna waxaa ka laabtey xeer-ilaalinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM

Taageerihii ugu weynaa ee Israel ee Senate-ka Mareykanka Lindsey Graham oo geeriyooday

Geerida Graham waxaa xaqiijiyay warbaahinno badan oo Mareykan ah, kuwaas oo soo xigtay bayaanka rasmiga ah ee xafiiskiisa.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 08:37AM