Maxkamada sare ee Spain oo diidey aftida Catalonia

Image

October 2, 2014 (GO)- Maxkamadda sare ee dalka Spain ayaa diidey afti laga qaadi lahaa dadka ku nool gobolka Catalonia ee ku yaalla koonfurta si ay go'aan uga gaaraan inay Spain kasii mid ahaadaan iyo in kale.

Dowladda Spain oo arrintan aad uga hor timid ayaa dacwad u gudbisay maxkamadda, dowladdu waxay ku doodeysaa inaysan sharci ahayn in hal gobol afti laga qaado maadaama dastuurka Spain uu dhigayo in aftida nooc kasta ha ahaatee si wadajir ah looga sameeyo dhammaan gobolada dalka.

Aftida la baajiyey ayaa dhici lahayd sagaalka bisha soo socota ee November, sida uu horay u iclaamiyey guddoomiyaha gobolka Catalonia Artur Mas.

Katalooniyiinta oo horraantii bishii September isu soo bax ballaaran ka sameeyey caasimadda Spain ee Madrid, waxay codsadeen inaan laga hor istaagin xuquuqdooda gaarka ah, loona ogolaado inay noqdaan dal madax bannaan.

Gobolka Catalonia oo ah kan ugu qanisan Spain soona saara shan meelood hal meel dhaqaalaha guud ee dalka caasimadiisuna tahay magaalada Barcelona , waxaa ku nool in ka badan todoba milyan oo qof oo leh dhaqan iyo luqad iyaga gaar u ah.

Labo todobaad kahor waxaa afti tan oo kale ah laga qaaday dadka ku nool gobolka Scotland ee dalka Ingiriiska. Inkastoo natiijada codbixintu aad isugu dhoweyd hadana waxaa batay tirada dadka u codeeyey in gobolka Scotland uu Ingiriiska kasii mid ahaado oo noqtay %55.42.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM