Maxkamadda sare ee Turkey oo amartay in la soo xiro Fethullah Gulen

Image

December 20, 2014 (GO)- Maxkamadda sare ee dalka Turkiga ayaa soo saartey waaran lagu soo xirayo wadaad mucaarad ah ee lagu magacaabo Fethullah Gulen.

Gulen oo 73 jir ah tan iyo sanadkii 1999kiina ku noolaa  Maraykanka waxaa lagu soo eedeeyey inuu madax ka yahay urur argagixiso.

Waxaa sidoo kale lagu soo eedeeyey inuu xubin firfircoon ka yahay "Isbahaysiga Dheellitirka" oo horay xukuumadda Ankara ugu soo eedeysay inay afgembi qorsheynayaan.

Muddo hada sanad laga joogo xubno ka tirsanaa xukuumadda Turkiga ayaa is casilay kadib markii lagu helay inay ku lug yeesheen musuq maasuq baahsan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo isagu xilligaas ra'isal wasaare ahaa wuu iska fogeeyey eedaymaha loosoo jeediyey xukuumadiisa isagoo sheegay inay yihiin kuwo been abuur ah ayna soo abaabuleen dad uu ku tilmaamay qaran dumis.

Shaqsiyaadka uu Erdogan xilligaas aadka farta ugu fiiqayey waxaa kamid ahaa wadaadka hadda maxkamadda sare amartay in lasoo xiro ee Fethullah Gulen.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii hawlgal ballaaran oo ciidamada ammaanka Turkigu sameeyaan lagu soo qabqabtay 25 qof oo isugu jirey siyaasiyiin, weriyeyaal iyo xubno ka tirsanaa ciidamada.

Midowga Yurub ayaa dhaliilay xarigga iyo cadaadiska lagu hayo xubnaha mucaaradka maadaama tallaabooyinkaasi yihiin kuwo liddi ku ah mabaadi'da asaasiga ah ee dimuqraadiyada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM