Maxkamadda ICC oo amartey in lasoo xiro madaxweynaha Ruushka

Image
Vladimir Putin ayaa lagu eedeeyay "in uu mas'uul ka yahay afduub loo geystay caruur u dhalatay Ukraine".

WASHINGTON, United States - Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa Jimcada maanta ah waxay soo saartay amar lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Qoraal kasoo baxay ICC ayaa lagu sheegay in Putin loo haysto dambiyo dagaaliyo in uu ku lug lahaa wax lagu sheegay "afduubyo loo geystay carruur laga keenay Ukraine".

ICC ayaa tibaaxdey in Putin "uu mas'uul ka yahay caruur si sharci darro ah loo geeyay dhul-weynaha Ruushka kadib markii laga soo musaafuriyey gudaha waddanka Ukraine".

Amarkan xiritaanka ah ayaa si lamid ah khuseeya Maria Alekseyevna Lvova-Belova, Guddoomiyaha Xuquuqda Carruurta ee Xafiiska Madaxweynaha Ruushka, oo isla eedeymahan loo haysto.

Xeer-beegtada ICC ayaan kala caddeyn haddii amarkan xiritaanka ah loo diray booliska caalamiga ah ee INTERPOL kuwaasoo qaabilsan soo qabashada shaqsiyaadka aadka loo raadinayo.

"Go'aankan soo qabashadda ah waxa uu yimid kadib baaritaano baaxad leh kuwaasoo lagu eedeeyay in caruur si sharci darro ah looga tarxiilay Ukraine la geeyay Ruushka," ayay ICC xustey.

Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu helay dambiyo ka dhan ah dadka reer Ukraine ee ku sugan dhulka Ruushka isla markaana laga hor istaagay inay dib ula midoobaan qoysaskooda.

"Nidaamkan oo ah shaandhaynta ee loogu talagalay in lagu takooro dadka Yukreeniyaanka ah ujeedkiisu waa in loo taxaabo xabsiga, iyo in la jirdilo," ayaa lagu soo xiray bayaanka ICC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM