Mexico: Duq magaalo oo lagu dhex-dilay hoolkiisa shirarka

Image
Saraakiisha booliska ayaa tibaaxay in ku dhowaad 17 ruux kale ay ku naf-waayeen weerarkan tooska ahaa.

MEXICO CITY, Mexico - Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dilay duqa magaalo yar oo ku taalla galbeedka dalka Mexico, iyo ugu yaraan 17 kale, sida ay saraakiishu sheegeen.

Booliska ayaa sheegay in dambiileyaasha ay weerareen hoolka shirarka ee San Miguel Totolapan 14:00 (19:00 GMT) Arbacadii. Sawirro ayaa muujiyey meydad daadsan dhulka.

Xisbiga garabka bidix ee PRD oo uu ka tirsanaa duqa magaalada Conrado, Mendoza Almeda, ayaa cambaareeyay dilkiisa waxaana ay ku qeexeen “fulaynimo” iyaga oo dalbadey cadaalad.

Weerarkan ayaa lagu eedeeyay kooxda dambiilayaasha ee Los Tequileros, kuwaas oo lala xiriirinayo kooxaha daroogada ka ganacsada. Balse, illaa haatan wali dhankooda ma sheegan.

Waxaa sidoo kale xasuuqan lagu dilay saraakiil ka tirsan booliska iyo shaqaalaha golaha deegaanka, iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay sawiro muujinaya meydad tirro badan.

Mr Mendoza Almeda aabihiis, duqii hore ee Juan Mendoza Acosta, ayaa sidoo kale lagu dilay - gurigiisa - ka hor inta uusan weerarku u wareegin hoolka dowladda hoose.

San Miguel Totolapan waxay ku taalaa wadnaha gobolka loo yaqaan Tierra Caliente oo qeyb ahaan ay maamulaan kooxaha daroogada galbeedka Mexico waxaana ku badan dilalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM

XOG CUSUB: Halkee Israel kasoo qaadey weerarkii ay ka fulisay Qatar?

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, weerarka waxaa fuliyay 12 diyaaradood oo dagaal oo Israa’iili ah—8 F-15 ah iyo 4 F-35 ah.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:01AM