Meydad horleh oo laga soo saarey dhisme ay duqeysay Israa'iil

Image
Dhacdadan oo khasaaro xoog leh dhalisay ayaa waxaa laga soo wariyay waqooyiga Gaza.

LONDON, UK - Ugu yaraan laba mayd ayaa laga soo saaray burburka dhisme la dego oo loo yaqaan Mashruuca Beit Lahiya ee waqooyiga Gaza, ka dib markii ay duqeeyeen ciidamada Israel, sida uu sheegay difaaca madaniga ah ee deegaanka.

Farriin ay soo dhigeen Telegram, maamulka Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale sheegay in shaqaalahooda lagu qasbay inay ka soo baxaan howlgalka badbaadinta iyadoo askarta Israel ay rasaas ku fureen.

Isla aaggaas waxaa ka dhacay weerar weyn Axaddii markii duqeyn cirka ah oo Israel ay ku dishay ugu yaraan 87 qof.

Dhacdadan khasaaraha badan ayaa timid iyadoo waqooyiga Gaza - oo ay ku jiraan magaalooyinka Beit Lahiya, Jabalia iyo Beit Hanoon - ay la kulmeen saddex toddobaad oo weeraro ah oo ay geysteen ciidamada Israa'iil iyadoo ujeeddadu ahayd in laga hortago dagaalyahannada Xamaas inay dib isku urursadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM