Meydadka 13 tahriibayaal oo laga helay xeebaha Tunisia

Image
Muhaajiriintan ayaa dhamaantood ka yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya.

TUNIS, Tunisia - Masuuliyiinta waddanka Tunisia ayaa Sabtidii soo saaray meydadka 13 tahriibayaal ah oo ay ka mid yihiin lix haween ah iyo lix caruur ah, kadib markii doomihii ay la socdeen ay la dagtay iyagoo isku dayayay inay u gudbaan badda halista badan ee Talyaaniga.

Muhaajiriintan ayaa dhamaantood ka yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya, waxaana ay la socdeen labo doomood, sida uu sheegay Mourad Turki, afhayeenka maxkamada ku taal magaalada Sfax ee ku taal badda Mediterranean-ka.

Samatabixiyeyaasha ayaa 37 muhaajiriin ah kasoo saaray biyaha Jimcihii iyo sabtidii laakiin tobannaan kale ayaa weli aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin, sida Mourad uu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Tunisia iyo dalka ay deriska yihiin ee Liibiya ayaa ah meelaha muhiimka ah ee ay ka dhoofaan muhaajiriinta doonaya inay gaaraan xeebaha Yurub, kuwaas oo inta badan raaca maraakiib ama doomo aan u qalmin socdaalka badda.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa ku qiyaasay in ka badan 18,000 oo muhaajiriin ah ay dhinteen ama la waayay iyagoo isku dayaya in ay u gudbaan xeebaha Yurub tan iyo 2014-kii


Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 1,300 oo muhaajiriin ah ay ku qaraqmeen ama lagu waayey bartamaha badda Mediterranean-ka sanadkii 2021-kii, taasoo ka dhigtay marinka ugu dhimashada badan ee tahriibayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM

PKK oo shaacisay inay hubka dhigayso si usoo afjarto dagaalka dowladda Turkiga

Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka Firat News Agency — oo ah ilo warbaahineed si weyn ugu dhow PKK.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:16AM