Mid kamid ah diyaaradaha dagaalka Morocco oo lagu waayey hawada Yemen

Image

May 11, 2015 (GO)- Militeriga dalka Morocco ayaa shaaciyey in mid kamid ah diyaaradahooda dagaalka lagu la'yahay dalka Yemen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Morocco ayaa lagu sheegay in diyaaraddaas oo nooceedu ahaa F-16 ay raadaarka ka baxdey gelinkii dambe ee shalay oo Axad ahayd.

"mid kamid ah diyaaradaheena dagaalka oo nooceedu ahaa F-16 ayaa ilaa shalay lagu la'yahay hawada dalka Yemen, laga soo bilaabo 6:00pm, " sidaas waxaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Morocco.

Sucuudiga iyo xulafadiisa ayaa March 26, 2015 bilaabay duqeymaha ka dhanka ah mileeshiyaadka Xuuthiga iyo ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabddallah Saalax.

Waa markii ugu horreysey ee hawada dalka Yemen lagu waayo diyaarad qayb ka ahayd kuwa ay adeegsanayaan dalalka ku bahoobey hawlgalka loogu magac daray Duufaantii Go'aanka adkeyd.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli ay socoto xabad joojin ku muddeysan shan maalmood taasoo u dhexeysa xoogagga Xuuthiga iyo xulafada Sucuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM