Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Image

Midowga Yurub ayaa mar kale ku celiyay in dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay waajib ku tahay inay si buuxda ula shaqeeyaan maxkamadda, oo ay ku jirto fulinta amarada qabashada ee wali taagan.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii diyaaradda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay mar kale dul martay hawada dalal xubno ka ah ICC, iyadoo ku sii jeeday magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay, ayaa ka gaabsaday inuu si gaar ah uga hadlo kiiska Netanyahu, isagoo sheegay in wixii su’aalo ah ee ku saabsan arrintaas si toos ah loo weydiinayo ICC.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay mowqifka Midowga Yurub, isagoo sheegay in Midowgu uu taageero ICC iyo mabaadi’da ku xusan Axdiga Rome, isla markaana uu ixtiraamo madax-bannaanida iyo dhexdhexaadnimada maxkamadda.

Wuxuu sidoo kale xusay go’aankii Golaha Midowga Yurub ee 2023, kaas oo ugu baaqaya dhammaan dowladaha inay si buuxda ula shaqeeyaan ICC, gaar ahaan inay si degdeg ah u fuliyaan amarada qabashada ee wali taagan.

Hadalka Guddiga Yurub ayaa yimid kadib markii xogta Flightradar ay muujisay in diyaaradda Netanyahu ay Isniintii dul martay hawada dalalka Giriigga, Talyaaniga iyo Faransiiska, kuwaas oo dhammaantood xubno ka ah Axdiga Rome, xilli uu u safrayay Washington, DC.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM