Midowga Yurub oo Walaacsan iyo Trump oo hakiyay hubka uu Mareykanka siiyo Ukraine

Image

WASHINGTON — Aqalka Cad ayaa xalay ku dhawaaqay in madaxweyne Trump uu hakiyay gargaarkii millatari ee ay Dowladda Mareykanka siineysay Ukraine.

Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa qoraal email ah ugu sheegay VOA, in "Madaxweyne Trump uu caddeeyay in uu diiradda saarayo nabadda. Wuxuu intaasi raaciyay in ay doonayaan in saaxibadda Mareykanka ay arrintaasi xoogga saaraan”.

Sarkaalka oo aanan magaciisa la shaacin ayaa sheegay, in Maamulka Madaxweyne Trump uu hakiyay gargaarka hubka Ukraine si dib u eegis loogu sameeyo kaalmada Mareykanka, si loo hubiyo buu yiri in tani ay gacan ka gayesato xalka.

Goor sii horreysay oo Isniintii shalay aheyd, ayuu madaxweyne Trump sheegay in heshiiska macdanta naadirka ah ee Ukraine ay muhiim u tahay sii wadista kaalmada uu Mareykanka siiyo Ukraine.

Faah-faahin dheeri ah oo arrintan ku saabsan ayuu tilmaamay in uu kaga hadli doono khudbadda la wada sugayo ee uu madaxweyne Trump caawa kula hadli doono xubnaha labada aqal ee Koongareeska Mareykanka.

Hakinta gargaarka hubka Mareykanke ee Ukraine ayaa imaneysa maalmo yar kaddib, marki ay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ukraine hadallo kul-kulul isku weydaarsadeen xafiiska madaxtooyada ee Aqalka Cad, xilli ay mas’uuliyiinta hor joogeen kaamirooyinka telefishannada caalamka.

Madaxweyne Trump ayaa riixay in si dhaqso ah loo soo afjaro dagaalka Ukraine iyo Ruushka, halka madaxweyne Volodymyr Zelenskyy uu muujiyay cabsi ah in xalka Trump ee joojinta dagaalka uu guul siinayo Ruushka.

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM