Midowga Yurub oo xasarada Falastiin la barbardhigay Soomaaliya

Image
Wakiilka Sare ee Arrimaha Dibadda iyo Amniga ee Midowga Yurub ayaa hadalkan ka sheegay shir kuu Jaamacada Carabta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Josep Borrell, oo ah Wakiilka Sare ee Arrimaha Dibadda iyo Amniga ee Midowga Yurub, ayaa khudbad uu ka jeediyey shirkii Wasiirrada ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Wuxuu kaga hadlay xasarada ka taagan Falastiin, isaga oo barbar dhigay xaaladda Soomaaliya.

Borrell wuxuu tilmaamay in sida Soomaaliya oo kale, ay dhibaato iyo xasillooni darro ka taagan tahay Falastiin weli tahay mid adag oo aan wax horumar ah laga gaarin dhinaca nabadda.

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadaha ka jira labada gobol, isaga oo ku adkeystay in la xoojiyo sharciga caalamiga ah si xal waara loo helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM