Miisaaniyada Maraykanka oo aan la Ansixin

Image

WASHINGTON - Golaha sharci dajinta Maraykanka ee Congresska ayaa meel mariyay xeer kumeel gaar ah kaasi oo lagu bixinayo adeegyada dowlada 45 cisho.

Xeerkaan oo loo gudbin doono golaha Senate-ka ee ay isagana xubnaha Dimuqraadiyiintu ku badan yihiin ayaa hadii ay ansixiyaan loo gudbin doonaa madaxweyne Biden si uu u saxiixo loona bixiyo kharashaadka shaqaalaha inta laga ansixinayo Miisaaniyadda.

Miisaaniyadda Maraykanka ayaa ay si wayn ugu kala aragti duwan yihiin xubnaha Dimuqraadiga iyo Jamhuuriyiinta iyada oo la filayo in uusan kala istaag shaqada xukuumadu dhicin.

Tan ayaa noqonaysa shaqo istaagii 22 aad ee xukuumadda Maraykanka muddo 50 sano gudahood ah, midkii 4 aad toban sano gudahood iyo kii ugu horeeyay ee xilliga Biden.

Hay'addaha muhiimka ah sida Ciidamada, Garsoorka iyo shaqaalaha qaybtood ayaan shaqada ka bixi doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM