Mike Pompeo oo loo karantiilay cabsi Covid-19 awadeed

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa karantiil galay ka gedaal markii uu la kulmay qof laga helay safmareenka Coronavirus, sidda ay warisay saxaafadda Mareykanka.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka oo laga soo xigtay warkaas ayaan soo bandhigin fahfaahinta goobta, goorta iyo shaqsiga diblumaasiga ugu sareeya Ameerika qaadsiiyey fayruskan aadka u khatarta badan.

Sidda laga soo xigtay telefishinka ABC News oo wariyey karantiilka Pompeo, macluumaadkan oo idil waxaa loo qariyey "sababo gaar ah".

Inkasta oo natiijo la marsiiyey ay muujisay in laga waayey xanuunka, Pompeo ayaa karantiilka ugu sii jiraya si loo muujiyo taxadar dheeraad ah. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibada wuxuu sheegay in xaaladiisa lala socon doono.

Sababtan awadeed, Pompeo ayaa ka baaqdey munaasabad balaaran oo loogu mahadnaqayey diblumaasiyiinta Mareykanka ee haya xilalka halista ah iyo qoyskooda taasoo qabsoomi lahayd Talaadadii todobaadkan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaan wali ka jawaabin su'aallo dhowr ah oo ku geedaaman xaaladda Pompeo oo ay kamid tahay waxa laga yeelayo kulanka Golaha Wasiiradda iyo balada kale ee uu lahaa diblumaasiga.

Mareykanka ayaa safka hore kaga jiray wadamada malaayiinka kiisas Coronavirus laga soo wariyey. Inkasta oo digniino ay jiraan, haddana shacabka waxay sii wataan noloshooda caadiga ah taasoo sare u qaadey walwalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM