Ciidanka Mareykanka oo iibsaday xogta apps Muslimiinta adeegsato

Image

WASHINGTON, US – Milatariga Mareykanka ayaa iibsaday qeybta lagu keydiyo macluumaadka goobaha ay dadka joogaan ee application-no ay ku badan yihiin Muslimiinta, sidda ay kashiftey warbixin cusub.

Jariiradda Motherboard ee reer Ameerika ayaa warisay in ay arrintaan ku xaqiijisay baaritaan ku saleysan su'aallo waydiin ah, codad dadweyne iyo wareysiyo lala yeeshay qaar kamid ah dadka soo saarey apps-kaas.

App-ka ugu caansan ee ciidamadda Mareykanka beegsadeen ayaa ah Muslim Pro kaasoo ka caawiya Muslimiinta Aadaanka, Waqtiga iyo Qiblada Salaada. Sidoo kale, waxaa laga dhageysan karaa Qur'aanka Kariimka.

Sidda ay muujineyso xog-uruurin ay sameysay majaladda afka dheer, app-kaan waxaa guud ahaan caalamka la degsaday 98 milyan jeer.

Intaas waxaa wehliya apps kale kuwaasoo Muslimiinta u adeegsadaan haasaawaha iyo in ay kula socdaan xogta duufaanadda.

Afhayeen u hadlay Taliska Howlgalada Gaarka ee Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay siyaasadooda ku aadan dabagalka iyo ka hortagida khataraha kaga soo fool leh dhanka argagixisada.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii daaraha mataanaha, Mareykanka ayaa hormuud ka ah la dagaalanka kooxaha argagixisada kuwaasoo ay ugu waaweyn yihiin shabakadda Al-Qaacida iyo maleyshiyadda Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM