Militariga Ruushka iyo calooshood u shaqeysteyaasha Wagner oo isku-dhacay

Image
Waa caqabaddii ugu dhiirranayd ee uu la kulmay madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu billowday weerarka Ukraine sannadkii hore.

MOSCOW, Russia - Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa wacad ku maray inay ka takhalusi doono hoggaanka militariga Ruushka, oo uu ku eedeeyay inay weerar ku qaadeen ciidankiisa, halka dacwad oogaha guud ee Ruushku uu sheegay inay isaga ku socdo baaritaan ku saabsan " fallaagonimo hubeysan".

"Waan sii soconaa, waxaana tagi doonaa meesha ugu dambeysa," ayuu ku yiri cod farriin ah oo uu soo duubay Yevgeny Prigozhin, oo 62 jir ah.

"Waan burburin doonnaa wax walba oo inaga horyimaada," ayuu ku dara.

Waa caqabaddii ugu dhiirranayd ee uu la kulmay madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu billowday weerarka Ukraine sannadkii hore.

Waxa uu markii dambe sheegay in ciidamadiisa ay soo rideen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Ruushka.

"Diyaarad Helicopter ah ayaa hadda rasaas ku furtay goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah. Waxaa toogtay cutubyo ka tirsan PMC Wagner," ayuu yiri.

Maamulka Ruushka ee ku sugan magaalada Rostov ee u dhow Ukraine ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay guryahooda ku nagaadaan saaka oo Sabti ah, iyadoo madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner uu sheegay in ciidamadiisu ay galeen gobolka xadka koonfurta.

VOA + GO

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM