Milyineer Ameerikaan ah oo lagu helay dambi dil ah

Image
Robert Durst oo 78-sano jir ah ayaa u badan tahay in lagu xukumi doono dambi xabsi daa'in ah.

WASHINGTON, USA - Maalqabeenka u dhashay waddanka Mareykanka, Robert Durst, ayaa Sabtida maanta ah waxaa lagu helay dambi ah inuu khaarijiyey saaxiibadiisa ​​ay aadka isugu dhowaayeen ee Susan Berman.

Durst ayaa lagu helay inuu u khaarijiyey Berman sanadkii 2000 "si uu uga hortago" in ay booliska la wadaagto warbixin ku saabsan xaaskiisa oo oo la waayey 1982 loona maleynayo in ay dhimatay.

Meydka 55 jirtan ayaa, sida ay sheegeen saraakiisha booliska, waxaa la helay iyadda oo ay ka muuqdaan dhaawacyo ay kamid tahay toogasho kaga taala dhanka madaxa.

Durst oo sirtiisa lagu kashifay barnaamij dukumiintiri ah laguna magacaabo The Jinx ayaa laga soo xigtey isaga oo oranaya "Maxaan sameeyay? Waan dilay ayaga, dabcan".

Kadib markii lasii daayey dukumiintiriga, mas'uuliyiinta ayaa Durst ugu xiray magaaladda New Orleans dilka Ms Berman. Xeerbeegtada ayaa lala wadaagay muuqaalka intii dacwaddu socotay.

Dacwad-oogayaasha ayaa Durst, oo 78 jir ah, ku tilmaamay nin la nool xanuun dhanka dhimirka ah. Waxay hadda u egtahay inuu xabsiga ku dhiman doono.

Susan Berman ayaa waxay ahayd qoraa fal-dambiyeed. Sidoo kale, af-hayeenka Durst ayay ahayd kadib markii lagu tuhmay in uu ka dambeeyay maqnaanshiyaha xaaskiisa.

Dhageysiga hore, qareenka Durst oo lagu magacaabo Dick DeGuerin, ayaa gaashaanka ku dhuftey eedeymaha isaga oo caddeymaha ku tilmaamay "cajalado aan sal iyo baar toona lahayn".

Filimkan nolosha milyineerkan u bedelay dilaa xabsi daa'in garka loo geliyey waxaa agaasime ka ahaa Andrew Jarecki kaasoo sumcad badan ka sameeyay dukumiintirigaas markii uu soo baxay gilgilay dunida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM