Minnesota: tirada Soomaalida ku biiray IS oo korortay

Image

Talaado, Sept 16, 2014 (Garowe Online)- Waxaa korortay tirada dhallinyarada Somali American-ka ah ee ku biiraya kooxaha mayalka adag ee ka dagaallama dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Ugu yaraan 12 dhallinyaro ah oo ka tegey gobolka Minnesota  ayaa la xaqiijiyey dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey inay ku biireen kooxda IS iyo ururrada kale ee xagjirka ah ee ka dagaallama dalka Suuriya.

Sida loo badinayo, hal qof oo kamid ah 12 kaasi waa gabar, waxaase jira warar kale oo sheegaya in saddex dumar tahay sagaalka kalena rag yihiin.

Qofkii ugu dambeeyey ee ku biira kooxda IS wuxuu ahaa wiil 19jira ah oo lagu magacaabo Maxamud Maxamed. Aabaha dhalay wiilkaas oo la hadlay idaacadda VOA, ayaa sheegay in wiilkiisu labo bilood kahor uu gaarey Suuriya.

"waa arin naxdin leh, wiilkaygu arday buu ahaa halkan buu joogey halmar buu is bedalay...anagoon ogayn ayuu si hoose ku aaday Suuriya..." aabaha ayaa yiri.

Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo ah midka ay Soomaalida ugu badan ee dalkaas degeni ku nool yihiin, waxaa horay sidan oo kale uga soo dhoofay dhallinyaro badan oo ku biiray Ururka Al-shabab, kuwaasoo qaar kamid ahaa ay is qarxiyeen.

GAROWE ONLINE. 

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM