Mohamed Morsi oo dil lagu xukumey

Image

May 16, 2016 (GO)- Maxkamad ku taalla Qaahira ayaa xukun dil ah ku riddey madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi.

Morsi ayaa lagu soo eedeeyey inuu gacan ka geystey baxsashada maxaabiis tira badan oo sanadkii 2011 ka fakaday xabsi ku yaalla Qaahira.

Xukunka maxkamaddu riddey waxaa lagala tashan doonaa muftiga ugu sarreysa Masar, waxaana go'aanka ugu dambeeya la shaacin doonaa horraanta bisha soo socota ee June.

Maxkmadda ayaa sidoo kale maanta oo Sabti ah xukuntey 150 xubnood oo ka tirsan Ururka Ikhwaanul Muslimiin. Dadka la xukumey oo u badnaa maqaneyaal, waxaa kamid ah sheekha caanka ah ee Yosuf al-Qardawi.

Bishii hore ayey ahayd markii sidan oo kale Morsi iyo 12 kamid ah taageerayaashiisa loogu kala xukumey xabsi muddadiisu dheer tahay oo ahaa inta u dhexeysa 20 sano ilaa xabsi daa'im.

Mohamed Morsi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee dadka Masar si dumuqraadi ah kusoo doortaan, waxay militerigu xukunka kala wareegeen horraantii 2013, kadib muddo bilo ah oo ay soconayeen dibadbaxyo rabshado watey oo looga soo horjeedey xukuumaddiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM