Mojtaba Khamenei oo loo magacaabay Hogaamiyaha Sare ee Iran

Image

TEHRAN – Hoggaanka sare ee dalka Iiraan ayaa doortay dhababbaha iska horimaadka halkii ay ka dooran lahaayeen tanaasul, iyagoo u magacaabay Mojtaba Khamenei inuu beddelo aabihiis, Ali Khamenei.

Tallaabadan ayaa saraakiisha gobolku ku sifeeyeen mid si toos ah loogu naqdiyayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo horay ugu dhawaaqay in wiilka Khamenei uu yahay "mid aan la aqbali karin".

Golaha Khubarada oo ka kooban 88 xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray doorashada hoggaamiyaha sare ee dalka, ayaa horay u tilmaamay inay gaareen isafgarad aqlabiyad leh oo ku saabsan doorashadooda iyagoon magacaabin cidda ay tahay.

Mid ka mid ah xubnaha golaha ayaa yiri, “Waddadii Imam Khomeini iyo waddadii shahiid Imam Khamenei ayaa la doortay. Magaca Khamenei wuu sii socon doonaa”.

Hogaamiyihii Sare Ayatollah Ali Khamenei ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil bilowgii dagaalka, kaas oo hadda galay toddobaadkiisii labaad.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in doorashada Mojtaba—oo ah wadaad aad u xagjirsan oo xaaskiisa, hooyadiis, iyo xubno kale oo qoyskiisa ah lagu dilay weeraradii Mareykanka iyo Israa’iil—ay dirayso farriin cad: Hoggaanka Iiraan waxay diideen rajo kasta oo tanaasul ah.

Iiraan uma muuqato mid raadinaysa waddo kale, waxayna dooratay jidka iska horimaadka, aargoosiga, iyo adkaysiga si ay u difaacdo nidaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM