Mooshin lagu aqoonsanayo Falastiin oo la horgeeyay xeerdejinta Slovenia

Image
Xisbiga mucaaradka ah ee Slovenia Democratic Party (SDS) ayaa si rasmi ah u gudbiyay mooshinkan.

DOOXA, Qadar - Afhayeenad u hadashay xisbiga Slovenia Democratic Party (SDS) ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in xisbigeedu uu gudbiyay soo jeedin ah in la qabto afti talo bixin ah oo ku saabsan aqoonsiga Falastiiniyiinta.

Slovenia Democratic Party (SDS) waa xisbi mucaarad ah oo uu hogaamiyo raysalwasaarihii hore ee Janez Jansa kaasoo dhowr jeer cambaareeyay duqeymaha ay Israa'iil kawado dhulka Gaza.

Codeynta baarlamaanka, oo loo qorsheeyay in ay qabsoonto Talaadada maanta ah, ayaa dib u dhigay muddo ilaa 30 maalmood, sidda ay sheegeen illo wareedyo.

Dib u dhaca ku saabsan in Slovenia ay dowlad u aqoonsato maamulka Falastiiniyiinta ayaa waxa uu yimid kadib markii Spain, Ireland iyo Norway ay aqoonsadeen dawladnimada Falastiin usbuucii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM