Mucaaradka Burkina Faso oo dibad baxyo cusub ku baaqay

Image

November 2, 2014 (GO)- Axsaabta siyaasadda ee Burkina Faso ayaa ku baaqay dibadbaxyo ballaaran oo maanta oo Axad ah dalkaas ka bilaaban doona loogana soo horjeedo go'aankii militerigu talada kula wareegeen labo maalmood kadib  markii la eryey Blaise Campaore oo mudo 27 sano ah dalkaas soo xukumayey.

Mucaaradka ayaa ku doodaya inaan sinaba loo ogolaan karin in militerigu xoog ku afduubaan kacdoonkii dadweynaha oo ahaa rajada keliya ee laga lahaa hanaan maamul oo dimuqraadi ah oo dalkaas ka hirgala.

Dhanka kale Midowga Afrika, Maraykanka iyo Faransiiska ayaa cambaareey tallaabada militerigu qaadeen iyagoo ku baaqay in talada sida ugu dhaqsaha badan loogu wareejiyo rayidka.

Hadalka kasoo yeeray axsaabta siyaasadda Burkina Faso wuxuu imaanayaa maalin kadib markii la shaaciyey in dalka si kumeel gaar ah usii hogaamin doono Kol. Isaac Zida oo isagu horay u ahaa taliye ku xigeenkii ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada.

Ugu yaraan 30 qof ayaa geeriyoodey in ka badan 100 kalena way ku dhaawacmeen dibadbaxyo rabshado wata oo maalmihii u dambeeyey dalkaas ka dhacayey loogana soo horjeedey wax ka badel la doonayey in lagu sameeyo dastuurka si uu xukunka usii dheereysto madaxweynihii la ridey ee Blaise Campaore.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM