Mudaaharaadyo lagu difaacayo Qur’aanka oo gilgilay Sweden

Image
Isu-soo-baxa oo soconaya maalintii saddexaad ayaa ka dhashay olole lagu gubayo Kitaabka Qur'aanka.

STOCKHOLM, Sweden - Dalka Sweden ee dhaca waqooyiga qaaradda Yurub ayaa waxaa maalintii saddexaad si toos ah uga socda isku soo baxyada lagu difaacayo Kitaabka Qur'aanka kariimka kadib markii uu ururka xagjirka ah ee midigta fog iclaamiyay in ay gubayaan musxafka Qur'aanka kariimka.

Ururkan ah ayaa dhowaan ka shiray sidii loo yareyn lahaa soo galootiga muslimiinta ee Sweden waxaana shirkan barbar socday oo ku lifaaqnaa go’aaminta gubitaanka musxafka Qur’aanka.

Kumannaan kun oo muslimiin ah oo ka jawaabayey tallaabada ururkan ayaa illaa maalintii khamiista iskugu soo baxay magaalooyin ka tirsan waddanka Sweden si ay uga dhiidhiyaan go’aammada gurracan ee kasoo baxay xisbiga midigta fog ee Sweden.

Xubnaha Ururka garabka midig ee xagjirka ah ayaa isku raacay rabitaankooda ku aadan gubitaanka musxafka Qur’aanka kariimka ah taasi oo loo arko in ay tahay duullan ka dhan ah islaamka iyo ehelkiisa balse muslimiinta ayaa dhankooda jawaab deg deg ah ka bixiyay iyagoo agaasimay isku soo baxyo ka dhan ah dowladda iyo ururka midigta fog ee xagjirka ah.

Booliska Sweden ayaa fasax u siiyay garabka midigta fog in uu dhigo isku soo baxyo uu ku gubayo Kitaabka Qur’aanka balse tani ayaa horseeday kacdon shacab oo ka dhan ah xadgudubyada saliibiyiinta.

Ciidamada Booliska oo isku dayey in ay xakameeyaan iskusoo baxyada looga soo horjeeday ururka Xagjirka ah ayaa iska caabin culus kala kulmay dadka muslimiinta ah waxaana inta la xaqiijiyay isku dhacyadan hubeysan oo ka dhacay mandaqadda Skagittorp oo ah magaalo ay ku noolyihiin bulsho badan oo muslimiin ah ku dhaawacmay 2 askari oo booliis ah.

Haweenay sarkaalad ah oo ka tirsan booliska oo la hadlaysay Telefishanka ku hadla afka dowladda ayaa tiri, "Jawigu wuxuu ahaa mid aad iyo aad u adag waxaana islamarkiiba dhacay weeraro lagu qaaday booliska.”

Paludan oo ah ninka horboodaya nacaybka ka dhanka ah dadka Muslimiinta ayaa la sheegay in hadda ka hore uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda dalka Bilgimka ee Brussels iyo wadamo kale oo ka tirsan qaaradda Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM