Mufti Abdul Shakoor: Wasiirka diinta Pakistan oo ku dhintey shil gaari

Image
Shakoor ayaa ahaa xildhibaan ruug-caddaa ah oo ka tirsan xisbiga diiniga ah ee Jamiat Ulema Islam-Fazl.

ISLAMABAD, Pakistan - Wasiirka arrimaha diinta ee Pakistan, Mufti Abdul Shakoor, ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay caasimadda Islamabad Sabtidii, sida ay booliisku sheegeen.

Shilka ayaa dhacay kadib markii gaari kale uu ku dhacay baabuurka Shakoor oo marayay meel u dhow aqalka baarlamaanka, sidda uu booliska Islamabad ku sheegay Twitter-ka.

Waxaa loo qaaday isbitaal halkaasoo kalkii dambe ay dhakhaatiirtu sheegeen inuu dhintay. Booliska ayaa xusay in xabsiga la dhigay 5 qof oo uu ku jiro darawalkii gaariga ku dhuftay gaariga Shakoor.

"Wasiirka keligiisa ayuu ahaa, isaga qudhiisana ayaana watay gaarigiisa," ayuu warbaahinta maxaliga ah u sheegay taliyaha booliiska Islamabad, Nasir Akbar Khan.

Sawirro ay soo qaaday warbaahinta maxalliga ah ee Geo News ayaa muujinayay gaariga Shakoor oo burburay oo yaalla bartamaha waddada, oo ay ku hareereysan yihiin dad badan oo daawanayay.

Dhanka kale, Madaxweyne Arif Alvi, Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, iyo xildhibaano kale oo ka tirsan dowladda iyo mucaaradka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin geerida Shakoor.

Shakoor, oo ah xildhibaan ruug-caddaa ah oo ka tirsan xisbiga diiniga ah ee Jamiat Ulema Islam-Fazl, ayaa loo doortay xubin ka tirsan aqalka hoose - Golaha Qaranka - doorashooyinka guud ee 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM