Muftiga Guud ee Sacuudiga, Sheikh Abdulaziz bin Abdullah Al-Sheikh, oo geeriyooday

Image

Riyadh – Muftiga guud ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Sheikh Abdulaziz bin Abdullah Al-Sheikh, ayaa geeriyooday Talaadadii isagoo da’ ahaan ku jira 80-meeyadii, sida ay xaqiijisay Qasriga Boqortooyada.

Sheikh Abdulaziz ayaa in ka badan rubuc qarni soo ahaa shakhsiga ugu sareeya ee diimeed ee dalka, isagoo xilka hayay tan iyo 1999 xilligii uu boqorka ahaa King Fahad. Waxa uu ahaa indho la’ tan iyo da’diisii dhalinyarada.

Sacuudi Carabiya oo hoy u ah labada masjid ee barakeysan – Maka iyo Madiina – waxa ay sidoo kale martigelisaa xajka sannadlaha ah, taasoo ka dhigaysa in hadallada iyo fatwooyinka muftiga guud ay aad loo dhegeysto isla markaana saameyn weyn yeeshaan guud ahaan dunida Muslimka.

Sheikh Abdulaziz ayaa si dhow ula shaqeynayay qoyska boqortooyada Al Saud, xilli ay dalka ka socdeen isbeddelo ballaaran oo dhinaca bulshada ah, sida in dumarka loo oggolaaday inay kaxeeyaan baabuurta, la furay tiyaatarro iyo isdhexgalka bulshada oo si tartiib ah u furanaya.

Inkasta oo uu taageero u muujiyay isbeddelladaasi, haddana Sheikh Abdulaziz si adag ayuu u cambaareyn jiray kooxaha xagjirka ah sida Daacish iyo Al-Qaacida, isagoo ugu yeeri jiray kuwa khatar ku ah diinta Islaamka iyo nabadda caalamka.

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman – oo hadda gacanta ku haya maamulka maalinlaha ah ee dalka iyadoo uu aabihiis Boqor Salmaan jiro 89 sano – ayaa ka qeybgalay salaadda janaasada muftiga oo ka dhacday caasimadda Riyadh fiidnimadii Talaadada.

“Geeridiisa waxay tahay khasaare weyn oo gaadhay Boqortooyada iyo dunida Muslimka. Waxa uu ahaa caalim mudan, door muuqda ka qaatayna u adeegidda diinta Islaamka iyo Muslimiinta,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Qasriga Boqortooyada.

Sheikh Abdulaziz bin Abdullah Al-Sheikh waxa uu kamid ahaa culimada ugu saamaynta badan ee Sacuudiga tan iyo qarnigii hore, waxaana dhaxalkiisa diimeed iyo fatwooyinkiisii weli si weyn loogu xasuusan doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM