Muhaajiriin ay Soomaali badan kamid tahay oo gacanta lagu dhigay

Image

LONDON, UK – Ciidamadda xuduuda ee Ingiriiska ayaa shaaciyey in ay qabteen 85 muhaajiriin oo Soomaali ay kamid yihiin. Soogalootiga ayaa gacanta lagu dhigay xilli ay doonayeen in ay UK ka galaan xeebta Kent.

Sidda uu wariyey Kent Online, shaqsiyaadkan oo ka kala yimid wadamo dhaca Aasiya iyo Afrika ayaa la socday lix doon oo kala duwan. Wadamada ay kasoo jeedaan waxaa kamida Yemen, Iran iyo Masar.

Shan dumar ah ayaa kamid ah magan-galyo doonayaasha la qabtay, kuwaas oo talaabada xigta ee laga qaadayo aysan caddeyn, marka laga reebo in kuwa horey loo qabtay la celiyey, qaarna xero la geliyey.

Chris Philp, wasiirka arrimaha socdaalka Britain, ayaa xusay in ay sii wadayaan talaabooyinka ka dhanka ah qaxootiga doonaya in ay kasoo talaabaan xuduudka. "Waa la xirayaa, waana la celinayaa," ayuu yiri.

"Faransiiska [oo xuduud la leh boqorooyadda UK] wuxuu is-hortaag ku sameeyay 200 isku day, kaliya asbuucii lasoo dhaafay," ayuu raaciyey.

Warbixinada ayaa sheegaya in qaxootiga la qabtay Khamiista maanta ah lagu hayo magaalada Dover ayna wajahayaan su'aallo waydiimo. Lama ogga haddii dib loo musaafurinayo sidii horey u dhici jirtay.

Sikastaba, qulqulka soo galootiga ayaa wuxuu u muuqda mid dib uga bilowday wadamadda qaaradda Yurub, maadaama tan iyo markii uu dilaacay safmareenka dunida heeganka geliyey ee Covid-19 uu hakad ku yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM