​Murashaxiinta Uganda oo dooday

Image

Dood dheer oo ay isugu yimaadaan 13 Febraayo, 2016 ragga u loollamaya hogaanka dalka Uganda, ayaa markii ugu horaysay waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne Yuweri Museveni isagoo ka hadlay arrimo ay kamid tahay ciidamadooda kusugan dalka Somalia.

Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday, arrimo ku jirto xaaladda dalka Uganda, iyadoo ay kasoo qayb galeen murashaxiin ay kamid ahaayeen; Kizza Besigye oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan mucaaradka iyo Jeneral Amama Mbabazi, oo horay uga tirsanaa ciidanka Uganda.

Amama Mbabazi, oo ah murashax madax-banaan, ayaa dowladda hada talada haysa ku dhaliilay siyaasad xumo, isagoo soo hadal qaaday ciidamada kaga sugan Somalia oo ku tilmaamay inay ujoogaan arrimo kabaxsan ilaalinta nabadda, wuxuuna ku taliyay in lagu garab wado taageeridda dhinaca siyaasadda.

Inta dooda lagu guda jiray, waxaa sidoo kale lasoo hadlay qaaday amniga waddankaas, ciidamadooda la geeyay Congo iyo shidaalka dhawaan laga helay. 

Doodan, ayaa timi xilli Khamiista soo socota loo dareeri doono doorashada dalkaasi, waxaana Uganda laga dareemayaa loollanka loogu jiro hogaanka dalkaasi. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM