Musharaxa taageersan gooni-isu-taagga Taiwan oo ku guuleystay doorashada madaxtinimo

Image
Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ayaa qirtay in laga adkaaday.

Taipei (GO) - Lay Ching-ti, oo ahaa musharaxa xisbiga talada haya, ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Taiwan oo maanta dhacday, Shiinaha ayaa hore ugu tilmaamay doorashadaan mid u horseedi doonta dagaal ama nabad.

Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee Kuomintang Hu Yue, ayaa qirtay in laga adkaaday.

Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Progressive Party, oo taageeraya gooni-isu-taagga Taiwan, diidayna sheegashada Shiinaha ee dhulkooda, ayaa mar saddexaad oo xiriir ah la wareegaya awoodda, taas oo aan horay laga arag nidaamka doorashada Taiwan.

Lai wuxuu ku dhiirigeliyay muwaadiniinta inay codkooda dhiibtaan: "Cod kastaa waa lagu xisaabtamayaa, tani waa dimoqraadiyadda Taiwan ee sida adag lagu keenay,".

Kahor doorashada, Shiinuhu wuxuu si isdaba joog ah u dhalleeceeyay Lay Ching-ti waxayna ku tilmaamtay “nin halis ah", Shiinaha ayaa sidoo kale ka diiday Lay baaqyo isdaba joog ah oo uu kaga dalbanayo wadahadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM