Muwaadin Mareykan ah oo 16-sano oo xabsi ah loogu xukumay basaasnimo

Image

MOSCOW, Russia – Maxkamad ku taala caasimadda Ruushka ee Moscow ayaa Isniinta maanta ah waxay 16-sano oo xarig ay ku ridday muwaadin Ameerikaan ah oo lagu magacaabo Paul Whelan.

Whelan oo 55-sano jir ah isla markaana lagu waramay in uu ka tirsanaa ciidanka Asluubta Mareykanka ayaa loo maxkamadeeyay dacwado aan tafaasiil laga bixin oo la salka ku haya jaajuusnimo.

Bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa laga soo xiray xaflad aroos oo uu kaga qeybgalay huteel nooca raaxadda ah oo ku yaala magaaladda Moscow. Ciidanka Amniga Federaalka ayaana qabtay.

Xukunsanaha oo sidoo kale haysata baasaboorka dalalka Britain, Ireland iyo Canada ayaa lagu lagu xiray mid kamid ah xabsiyadda ammaankooda aadka loo adkeeyo, si uusan jeelka uga baxsan.

Dhanka kale, qoyskiisa oo kahor inta uusan soo bixin xukunka soo saarey bayaan ayaa sheegay in xariga Whelan uu yahay mid siyaasadeysan isla markaana uu u muuqdo "mid madax-furasho ah".

"Waxay u muuqataa in loo isticmaalayo ganacsiga mustaqbalka ee Raashiyaanka lagu qaban doono Mareykanka," ayay sheegeen qoyska oo ka codsaday Donald Trump in ka shaqeeyo sii deyntiisa.

"Waxaan rajeynaynaa in dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ay bilaabi doonan wadahadalo ay kaga arrin-sanayaan siddii loosii deyn lahaa wiilkeena," ayay New York Times kasoo xigatay walaalkiisa.

Ruushka iyo Mareykanka oo xilaaftanka dhanka hogaaminta dunida ah uu ka dhaxeeyo ayaa kala qabsada shaqsiyaad uu midba kan kale ku eedeeyo basaasnimo, kaibna waxay soo taagaan maxkamad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM