Muxuu Erdogan ka codsaday bilyaneer Elon Musk?

Image

ANKARA, Turkiga - Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku casuumay, bilyaneer-ka Mareykan ah isla marakaana leh shirkadda X, Tesla iyo SpaceX, Elon Musk inuu Turkiga ka sameeyo warshaddii toddobaad ee baabuurta Tesla.

Casuumada Erdogan ayaa timid markii uu kula kulmay Musk aqalka Turkiga ee ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareykanka, kaas oo Madaxweynaha Turkiga uu booqanayo si uu uga qeybgalo shirka 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga oo soo xiganaysa bayaan ka soo baxay madaxtooyadda waaxda isgaadhsiinta, Erdogan waxa uu Musk uga warbixiyey guulaha uu Turkigu ka gaadhay dhinaca tignoolajiyada, waxaanu uga sheekeeyey istiraatijiyadda Turkiga ee dhanka dhijitaalka ah.

Sida lagu sheegay bayaanka, Erdogan wuxuu ku martiqaaday Musk inuu ka soo qayb galo bandhigga tignoolajiyada hawada sare ee “Technovest” oo lagu qabanayo magaalada Izmir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM