Muxuu Sacuudiga uga dib dhacay hambalyadda deg-dega ee Biden?

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Xilli dalalka Carabta ku tartameen in ay u hambalyeeyaan guuleystaha doorashooyinka Mareykanka ee Joe Biden, boqortooyada Sacuudiga ayay ku qaadatay mudo 24 saacadood in ay dirto hambalyayeeda.

Dhaxal-sugaha awooda badan Maxamed bin Salmaan ayaa ka gaabsaday guusha Biden xilli uu dhambaal diiran u diray madaxweynaha Tanzania ee John Magufuli kaasoo difaacdey kursigiisa kadib doorashooyin muran dhaliyey.

Xiriirka dhow ee kala dhaxeeya Donald Trump, balanqaadka Biden oo ahaa in uu u cadaalad marsiinayo Riyadh xadgudubyada bini'aadanimo iyo dilkii Jamal Khashoggi ayaa loo aaneynayaan aamusnaanta Sacuudi Carabiya.

Intii uu ololaha ku jiray, Biden ayaa sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu hakin doono taageerada Washington ee dagaalka Sacuudiga kawado Yemen. Si lamid ah waxaa la wariyey in uu ku laaban doono heshiiska Nukliyeerka Iran.

Dhamaan qodobadan ayaa liddi ku ah siyaasadda boqortooyadda ee Bariga Dhexe, waxaana la aaminsan yahay in ay kamid yihiin sababaha uusan Bin Salmaan ugu deg-degin in uu soo dhaweeyo doorashadda Biden.

Warbaahinta iyo baraha bulshadda Sacuudiga oo si kooban uga falceliyey guusha murashaxii Dimuqraadiga ayaa muujiyey in uu hubanti la'aan soo kala dhex-galay cilaaqaadka soo jireenka ahaa ee Sacuudiga iyo dowlada Mareykanka.

"Covid-19 waxaa Sacuudiga uga daran Biden-20," sidaas waxaa Twitter-ka kusoo qoray qof Sacuudiyaan ah kaasoo magaciisu yahay Dr Muna. Dadka ka falceliyey waxay isugu jireen qaar taageeray fekerkiisa, iyo tirro oo naqdiyey.

Trump ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay u fuliyey Sacuudiga talaabooyin ay kamid yihiin cunaqabateynta Iiraan iyo in uu gabaad ugu noqday eedeymaha ku tumashada xuquuqda bini'aadanimada si lamid ah dilkii saxafi Khashoggi.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa illo wareedyo aysan magacaabin waxay kasoo xigatay in Sacuudiga uu diyaar u yahay in uu ilaaliyo xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka, hasayaashee, kama hadlin natiijadda soo baxdey.

Sacuudi Carabiya ayaa ah dalka ugu badan ee iibsada hubka Mareykanka. Xukuumadda Washington waxay iibsataa shidaalka Riyadh. Tani waxay la macno tahay in ay isku tiirsan yihiin. Balse lama saadaalin karo mustaqbalka dhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM