Muxuu salka ku hayaa khilaafka xooggan ee u dhexeeya Biden iyo Netanyahu?

Image
Biden ayaa horay u sheegay in Netanyahu uu doonayo in dagaalku si uu xukunka ugu sii jiro.

Qasa (GO) - Ilo-wareedyo ku dhow dhow Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka carooday ficilada uu ku kaco Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isaga oo marwalba si hoose u aflagaadeeya sida la sheegay.

In kasta oo ay labada hoggaamiye heshiis ka yihiin dagaalka Qasa, haddana xiriirka ka dhexeeya Biden iyo Netanyahu ayaa maraya heerkii ugu xumaa, taas oo ay ugu wacan tahay burburka ay Israa’iil u gaysatay Marinka, iyo khasaaraha xooggan ee dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ka soo gaaray.

Waxay u muuqataa in xiisadda u dhaxaysa labada dhinac ay gaartay meeshii ugu sareysay, iyadoo Biden uu ku tilmaamay Netanyahu inuu yahay "Jaahil" sida laga soo xigtay shabakadda wararka ee "NBC" ee Mareykanka.

Biden ayaa u muuqda inuu ka careysan yahay guuldaradii ka soo gaartay qancinta Israa’iil inay beddesho qaabkeeda militari ee Qasa, isaga oo Netanyahu ku tilmaamay "caqabadda keliya" ee taas, sida laga soo xigtay NBC.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale horay u sheegay in Netanyahu uu doonayo in dagaalku sii socdo si uu xukunka ugu sii jiro, maadaama lagu eedeynayo kiisas la xiriira ku takri fal awoodeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM