Muxuu yahay balanqaadka Maraykanku u sameeyay Qatar?

Image
Amiirka Qatar ayaa ku tilmaamay wadahadalka uu la yeeshay Biden inuu ahaa mid miro dhal ah.

WASHINGTON, USA – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in maamulkiisu uu doonayo in uu u aqoonsado dowladda Qatar meeqaamka dal "xulafo weyn la ah oo ka baxsan NATO", taasoo u ogolaaneysa in uu xiriir milateri iyo mid ganacsi oo ballaaran uu dhex maro labada dal.

Biden ayaa si cad u sheegay xilli uu Aqalka Cad wadahadalo kula yeeshay Amiirka Qatar Tamim bin Hamad in tallaabadan ay tahay mid muddo dheer la filayay.

Biden ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimaha amniga bariga dhexe, tamarta caalamka iyo taageerada Afqaanistaan.

Amiirka Qatar ayaa ku tilmaamay wadahadalka uu la yeeshay Biden inuu ahaa mid miro dhal ah, isagoo xusay inay ka wada hadleen horumarka gobolka iyo kan guud ahaan caalamiga ah.

Labada hogaamiye waxay isla soo qaadeen heshiis aad u ballaaran oo shirkadda Qatar Airways ay ku iibsanayso diyaarada Boeing 777X ku dhawaad ​​20 bilyan oo doolar.

Qiimaha saamiyada shirkadda Boeing ayaa sare u kacay 5 boqolkiiba ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska. Mareykanka ayaa waxaa uu dalka Qatar ku leeyahay saldhig wayn oo ay ciidamadiisa ka hwogalaan.

Saldhigan ayaa muhiim u ah howglada Mareykanka uu ka fulinayo gobolka bariga dhexe. Dalka Qatar ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu galaangalka badan caalamka muddooyiinkii u dambeeyay.

Dalkan qaniga ku ah Gaaska dabiiciga ah ayaa waxaa uu gacan ka geystay heshiiskii uu Mareykanka uga baxay dalka Afqaanistaan. Dalalka Qatar iyo Mareykanka ayaa muddo dheer ahaa saaxibbo aad isugu dhaw islamarkaana iska kaashada arrimo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM